Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan amniga looga hadlayo la qaatay Hay’adaha Amniga iyo Maamulka G/banaadir

Date:

Muqdisho (SNTV), dar-dar galinta amniga caasimadda  ayaa looga hadlayey shirkaan uu Ra’iisul Waasaaraha xukumadda federaaLka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre uu la qaatay hay’addaha amniga  iyo maamulka gobolka Banaadir.

shirkaan oo ka qabsoomay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay guulihi ay ku najaxeen shacabka Soomaaliyeed  ee xagga amniga ahaa oo ay soo hoyeen hay’addaha amniga bilooyinka lasoo dhaafay, kana  mid ahayd bishii barakaysneyd ee Ramadan iyo dajinta qorshaha Labaad ee bilooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Cali kheyre oo  shirka ka hadlay ayaa  xusay in hay’addaha amniga dalku ay shaqo wanaagsan  qabteen oo mudan  in loogu Hambalyeeyo , loogana bahan yahay in Muqdisho ay noqoto maagalo  Nabdoon, islamarkaana  Ciidanka Booliska  ay la wareegaan Amaanka  guud ee Caasimadda , si ay ula jaan qaado Magaalooyinka  ku horumaray  xagga amniga iyo xasiloonida.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka banaadir ahna duqa Caasimadda Soomaaaliya  Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ENG Yarisow  oo la hadlay Warbaahinta qaranka, ayaa  tilmaamay guulaha amni ee caasimada ay ku timid wada shaqaynta  hay’addaha amniga iyo shacabka oo muujiyey  in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada  sugida amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...

Madaxda Caddaaladda oo ka qeybgalay Bandhigga Nidaamka Gal-dacwadeedyada Dijitaalka ah

Qaar ka mid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya ee...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...