Wasiirka Difaaca XFS oo la kulmay saraakiil ka socota Mareykanka, Midowga Yurub iyo Turkiga “Sawirro”

Date:

Wasiirka wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay saraakiil ka socota howlaglka Mareykanka ee Soomaaliya, Midowga Yurub iyo saraakiisha xeradda tabbabarada TURKISOM ee lagu tabbabaro ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta tayaynta iyo qalabeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo u diyaar garowga ka bixitaanka ciidanka AMISOM, kaas oo loogu magac daray qorshaha kala guurka.

Mudane, Xasan Maxamed (Amar-dambe) wasiirka Gaashaandhigga dalka oo la hadlay warbaahinta qaranka, ayaa sheegay in kulanka sidoo kale looga wada hadlay qorshaha wada shaqeyneyd ee arrintaas ku aadan oo ay wada yeelanayaan wasaaradda Gaashaandhigga iyo wadamada iyo hey’adaha caawiya dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Kulanka, oo qaatay saacado badan, ayaa labada dhinac waxaa ay isla garteen ahmiyadda ay leedahay in qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka ee wasaaradda Gaashaandhigga ay hormuud ka tahay loo baahan yahayin si wadajir ah looga wada shaqeeyo.

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa tan iyo markii xilkaas loo magacaabay waxaa uu xil weyn iska saaray siddii looga miro dhalin lahaa qorshaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, isaggoo kulamo iska daba joog ah oo arrintaas ku aadan la yeelanaya dhammaan dhinacyada howshaas ay khuseyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....