Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo faah faahiyay heshiisyo ay la soo saxiixdeen madaxda dalka Maroco

Date:

Muqdisho(SNTV) Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay shir uu uga qeybgalay dalka Maroco isaga iyo wafdi uu hoggaaminaya.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi oo ahaa mid looga hadlayay horumarinta maamulka iyo dib u dhiska,tayaynta shaqalaaha iyo qodobo kale uu guul ku soo dhamaaday,isagoo xusay in shirkan sanad leh ah oo kiisi 54-aad oo ah madal ay ku midaysan yihiin wadamada Afrika,ay ku soo balanqaadeen in Soomaaliya ay bixindoonto qaaraan sanadeedka dalkasta oo xubin ka ah laga rabo,maadaama Soomaaliya muddadii uu dalka burbursanaa aanay qeyb ka ahayn.

“waxaan rabaa in aan faah faahiyo safar muhiim ah oo aan ku tagnay dalka Maroco,halkasi oo aan uga qeybgalnay shir looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin maamulka howlaha guud,tayaynta shaqaalah,shirkaasi waxaan ku soo bandhignay halka ay Soomaaliya mareyso,runtii waa nalaku ammaanay dal ahaan iyo wasaarad ahaanba,waxaan la kulanay madaxda wasaaradaha aan wadashaqeynta naga dhexeysa,waxaan soo kala saxiixanay heshiis wada shaqeyn oo ah in aan iska kaashano dhinacyo badan sida dib u dhiska”. Ayuu yiri Wasiir Geesey.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya mudane C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Soomaaliya ay waxbadan ka faaidi doonto heshiisyada ay la soo saxiixdeen madaxda dalkaasi iyo kuwo kale caalami ah,iyo sidoo kale ka qeybgalka shirkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...