Tartanka Kubadda Koleyga ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo si xiise leh u socda.

Date:

Muqdisho(SNTV)—Tartankii Kubadda Koleyga ee Wiilasha iyo Gabdhaha ee Degmooyinak Gobolka Banaadir ayaa wali si habsami leh uga soconaya Garoonka Wiish ee Magaalada Muqdisho.

Shaley oo ay taariiikhdu aheyd 27.6.2018 ayaa waxaa Garoonkaasi isaga horyimid Wiilasha Kubadda Koleyga ee Degmada Heliwaa 37 iyo 26 uga Adkaday Degmada Xamar jajab oo ka wada tirsan wareega Group-yada.

cayaartii 2aad ayaa iyadana waxaa isaga horyimid Wiilasha Kubadda Koleyga ee Degmada Shibis oo 34 dhibcood iyo 31 dhibcood uga Adkaatay Degmada Howl Wadaag oo ay ku kulmeen garoonka Wiish ku katirsan wareega Group-yada.

tartamadaani ayaa ah kuwa lagu xoojinayo horumrinta Ispoortiga Dalka, gaar ahaan Gobolka Banaadir, islmarkaana lagu abuurayo jawi nabadeed oo ku saleysan is-dhexgal bulsho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay dabaal-daga 1-da Luuliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Muqdisho oo si weyn looga xusayo 1-da Luuliyo

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota munaasabad weyn oo loogu...