Madaxwayne Farmaajo oo Jabuti ugu hambalyeeyey maalinta xoriyadda

Date:

Madaxwaynaha JFS ayaa hambalyo u diray dawladda Jabuti iyo shacabkeeda, taas oo ku aadan xoriyadda dalkaas oo maanta 41-sano jirsatay.

Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo madaxwaynaha JFS ayaa xusay in xiriir walaaltinimo oo qoto dheer inuu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Jabuti, kaas oo aan sin aba loo hilmaami Karin.

Jabuti waxa ay ka xorayday gumaystihii Ingiriiska 1977-dii, waxaana Soomaaliya oo xoriyadda kaga horaysay ay kaalin wayn ku lahayd dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka ee dalkaas ka socday.

Mudadii burburka Jabuti dhinaceeda waxa ay door wayn ka qaadatay dawlad dhisidda Somaaliya, waxaana ay wali qayb ka tahay dadaalada lagu xoojinayo nidaamka dawladeed ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...