Baladweyne oo laga xusay Maalinta xornimada Jabuuti ee 27-ka June

Date:

Baladweyne-(SNTV)-Munaasabad lagu Xusayay 27 juun oo ah xuska malinta xuriyada Dalka Jabuuti  oo ay ka qeyb galeen maamulka saraakiisha ciidamada Amisom iyo qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay xarunta ciidamada Jabuti ee  Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Fanaaniin ka yimid Dalka Jabuuti iyo kuwa Hiiraan Band ayaa goobta kusoo bandhigay Heeso kala duwan oo ka hadlaayo xorriyadda dalka Jabuuti iyo Gacan siinta Dadka Soomaliyeed.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaalada Baladweyne ee Hiil-Walaal ayaa saqdii dhexe ee Xalay taagay Calanka Dalka Jabuuti.

Munaasabada oo illaa Saaka soo gaartay ayaa waxaa ka hadlay Col; Cusmaan
Dubbad oo kamid ah saraakiisha Safaadda Dalka Jabuuti iyo Col; C/raxmaan
Riyaale Xareed oo ah taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan.

Waxanay dhammaantood sheegeen inay  Maanta oo kale ahmiyad weyn u leedahay Dadka Reer Jabuuti iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika, iyagoo hambalyo u diray Shacabka iyo Ciidamada reer Jabuuti.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidamada Xoogga
Dalka Soomaaliya Col; Farax Cali Waasuge (Farax Kooshin), wuxuuna ka sheekeeyay doorka ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin nabad kusoo dabbaalidda Gobolka Hiiraan, Maantana ay muhiimad gaar ah u leedahay Dadka iyo Ciidamada Jabuuti.

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne, Macallin Maxamed Cusmaan Cabdi (Qallaafoow) ayaa sidoo hambalyo kal iyo laab ah u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo guud ahaan Shacabka Reer Jabuuti Maalinta 27-ka June awgeed.

Intii ay socotay Munaasabadda ayaa waxaa halkaasi kusoo bandhigay Dhoolla tus ballaadhan Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah nabad ilaalinta AMISOM, iyagoo wacad ku maray inay gacan bir ah ku qaban doonaan cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Ibrahim Muxumad Geeddi; Beledweyne

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...