Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay

Date:

Garoowe-(SNTV)-Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ku soo gabagaboobay Tababarka Tababarayaasha Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo socday muddo afar maalin ah.

Tababarka oo ay ka soo qeybgaleen xubno katirsan Hay’adaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Bulshada Rayidka Puntland ayaa looga gonlahaa in wacyiga dadweynaha ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka kor loo qaado.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland Yuusuf Ibraahim Saalax oo xiritaankii tababarka ka hadlay ayaa ballanqaaday in tababarka ay gaarsiin doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee ku dhaqan deegaanada Puntland.

Ugu dambayn, Xamse Cabdi Barre oo kamid ah La-taliyayaasha Sare ee Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee DFS oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka ee DFS ay ka go’antahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed loo sahlo sidii ay uga qeybgeli lahaayeen Ololaha dib-u-eegista Dastuurka, tababarkana uu yahay mid bulshada u sahlaya ka qeybqaadashada dib-u-eegista Dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun toogasho ah ku fulisay dhagarqayaal Khawaarij ah

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka...

Tababar ku saabsan qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran oo Muqdisho lagu qabtay

Tababar ku saabsan Qaab-dhismeedka Sanduuqa Cimilada Cagaaran (Green Climate...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...