Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo Xafiis ka furatay Balanballe

Date:

Dhuusa-mareeb-(SNTV)-Hay’adda socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay Xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furtay Magaalada Balamballe ee Gobolka Gal-gaduud..

Munaasabadda xarigga looga jarayay Xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka Dagmada , arakiil ka socotay HSJ iyo wax garadka Degmada, waxaanay dhammaantood sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda isla markaana ay uga mahadcelinayaan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in halkaa Xafiis noocaan ah laga furo.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa degaanno badan oo Soomaaliya ah ka furtay Xafiisyo ka shaqeeya socdaalka, iyadoo muhiimadda siineysa Degmooyinka dhaca dhanka xudduudaha si loola socdo dhaq-dhaqaaqyada halkaasi ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...