|
Muqdisho, 26ka Juun 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxa uuna halkaasi kula hadlay boqollaal shacab ah oo u dabbaal dagayay maalamaha xorriyada. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda. “Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan, waxaan ka shaqeyneynaa horumarka Soomaaliya, waxaan ka shaqeyneynaa wanaaga Soomaaliya, waxaa waajib inagu ah wax walba oo aan sameyneyno in aan ka fiirinno waxa naga haraya oo taariikh iyo dhaxal ah si dadka naga dambeeya ay u tixraacaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirrada Xukuumadda Federaaalka Soomaaliya, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne. |
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168
Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168
Madaxweyne Farmaajo “Waxaa waajib naga saaran yahay in aan jiilka naga dambeeya uga tagno taariikh ay tixraacaan”
Date: