Madaxweynaha Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taasoo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.

Shacabka Dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.

Doorashada ka dhacday Dalka Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay Lix musharax oo mida ay talhay Qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigantahay Dalka Turkiga guul Taariikhi ah.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga ee ka dhacday dalka Turkiga waxaana codkooda dhiibta 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas sheegay gudiga doorashada Dalkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray Tanzania

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gen....

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah...