Madaxweynaha Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan

Date:

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Codadka in ka badan 95% oo ilaa hadda la tiriyey ayaa Recep Tayyip Erdogan waxaa uu helay 53% taasoo si hordhac ka dhigan in uu ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi, iyadoo natiijada rasmiga ah ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Doorashada.

Qaar ka mid ah Madaxda caalamka ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaana madaxdii ugu horeysay ee hambalyada u dirtay ka mida ah Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Hamad.

Shacabka Dalka Turkiga ayaa bilaabay dabaaldegyo ay ku soo dhoweynayaan guusha Taariikhiga ah ee hogaamiyahooda gaaray.

Doorashada ka dhacday Dalka Turkiga ayaa waxaa ku tartamayay Lix musharax oo mida ay talhay Qof dumar ah, iyadoo guusha Erdogan ay ugu dhigantahay Dalka Turkiga guul Taariikhi ah.

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga ee ka dhacday dalka Turkiga waxaana codkooda dhiibta 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas sheegay gudiga doorashada Dalkaasi.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

 Dadaalka diblomaasiyadeed ayaa kor u kacay si loo xaqiijiyo xabbad-joojin.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa Masar u yimid wax...

Baqdin ka taagan magaalada Suudaan ee go’doonsan

waxaan Khatarta duullaanka ayaa mugdi gelinaysa halganka nolol maalmeedka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...