Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku dilay horjooge Ajinabi ah kuna siifidaya deegaano hor leh.

Date:

Muqdisho(SNTV)-ย Ka dib howlgalo qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen degaanada jubboyinka waxa ay ku guuleesteen xureeynta buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araare ee G/Jubbada Hoose ayaa Nabadiidka Al-shabaab waxa ay halkaasi u eheed goob Nabadiidka Al-shabaab ay ku qaadaan lacagaha baada ah ee kooxdu ka qaado shacab isticmaalo buundada Araare.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutadaย  11Aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka ayaa sheegay in galabta nabadiidka Al-shabaab laga xureeyay buundada Araare ee G/Jubbada Hoose oo u eheed goob ay ku qaadaan lacagaha baadaย ah.

G/dhaxe Cabdi ibraahim Cali waxa uu xaqiijhiyay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab looga dilay 7 Maleyshiyaad ah isla markaasine ay ciidamadu ka furteen hubkii ay wadteen Maleyshiyaadkaasi .

Mudadii uu socday ayaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed howlgalo qorsheysan ku dilay Maleyshiyaad iyo horjooge sare oo ka mid ah Ajaanibta ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Horjoogaha la dilay ayaa heestay dhalashada wadanka Tanzania,isagoona ka mid ahaa horjoogayaasha ugu sareeya ee nabadiidka Al-shabaab u qaabilsan dhanka Jubboyinka.

Taliyaha ururka 58Aad ee guutadaย  11Aad ee ciidanka Xoogga dalka G/Dhaxe Cabdi ibraahim Cali ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay ย in Howlgalka lagu dilay horjoogahaani uu ka dhacay Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa nolosha ku qabatay labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalkii buundada Araare ee G/Jubbada Hoose.

Buundada Araareย  ayaa 7km u jirta degmada Jamaame ee G/Jubbada Hoose,waxayna ciidamada Xoogga dalka ay sidoo kale u ruqaansadeen degmada Jamaame oo xarun u ah nabadiidka Al-shabaab.

Maleeshiyada ALshababa ayaa soo wajahday cabsi iyo walwal xoogan,kuwaasi oo haatan qarka u saran in ay gebi ahaanba burburaan,kadib markii cadaadis xoogan ay kala kulmeen militariga Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya.

W/qorey C/waaxid

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...