Wasiirka Waxbarashadda oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Beledweyne

Date:

Baladweyne (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shahaadiga ah ee dugsiyadda Sare.

Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.

Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.

Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay nasiib u yeelatay in markii ugu horreysay dalka Gudihiisa Imtixaanka lagu diyaariyo, sidoo kalena ay diyaariyaan dadka Soomaaliyeed.

Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya Bishii May ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo xaqiijisay dilka Macallin Jinoow

Waxaa la xaqiijiyay dilka Macallin Jinoow, kaas oo Wasiirka...

Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo damintiisa lagu guuleystay

Waaxda Gurmadka Deg Degga ah ee Maamulka Gobolka Banaadir...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...