Madaxweynaha oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Janaraal Gordon

Date:

Muqdisho, 23ka Juun, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer kadis ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha waxa uu hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoona ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo dhawaan ku wajahan furimaha dagaalka, sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...