Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha Amniga oo ka wada hadlay Amniga Caasimadda

Date:

Muqdisho(SNTV:-– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’addaha Amniga iyo bulshada ku nool Caasimadda guulaha amniga ee laga gaaray sugidda amniga Muqdisho intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlayay kulan muhiim ah oo xarunta Dawladda Hoose ku dhex-maray Maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Wasiirrada XFS iyo Hay’adaha amniga ayaa sheegay in wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dawladda iyo bulshada Soomaaliyeed uu sababay in kooxaha argagixisada ay ku guul dareysteen falalkoodii waxashnimo ee la beegsan jireen shacabka Caasimadda.

“Shirkani waa mid ay ku kala warqaataan Maamulka Gobolka, Golaha Wasiirrada iyo saraakiisha amniga, ujeedkiisuna waa in la iskula xisaabtamo howlaha qaranka loo hayo, horeyna loo wado shaqada si guul looga gaaro amniga iyo sidoo kale in shacabka loo dhaweeyo dawladnimada, waxaan si gaar ah u xusayaa golaha Wasiirrada horteena fadhiya mid walba waxuu ku qoran yahay degmo kamid ah 17ka degmo ee Caasimadda oo warbixinta xaaladdooda u gudbiyaa Golaha uu ka tirsan yahay.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa warbixinno kala duwan oo la xiriiray guulaha laga gaaray dariseynta, isdhexgalka shacabka iyo maamulka, horumarinta kaabayaasha Caasimadda iyo habka ugu habboon ee looga hortagayo dhagarta cadowga laga dhageystay saraakiisha ammaanka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana la isla qiray muhiimadda ay dalka u leedahay xasilloonida Caasimadda maadaama dal walba lagu qiimeeyo daganaanshaha Caasimaddiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...