Haweeneey ku eedeeysneyd Al-Shabaab oo isu dhiibtay Booliiska Kenya

Date:

Nairobi-(SNTV)-Mumina Eroba oo ay Boliiska Dalka Kenya Madaxeeda dul dhigeen Hal Milyan oo Shilin Bil ka hor ayaa Maqribnimadii Talaadada isku dhiibtay laamaha ammaanka ee Dalkaasi.

Haweeneydan ayaa lagu tuhmayay in ay ka tirsan tahay Al-Shabaab, waxaana lagu eedeeyay in ay wax ka qorsheysay weerarkii Bishii Febuary ee Sanadkan ka dhacay Tuulada Qarsa oo ka tirsan Wajeer, halkaasoo ay ku dhinteen Saddex  Qof oo Laba ka mid ihi ay ahaayeen Macallimiin.

Isku duwaha Gobolka waqooyi-bari Dalka Kenya, Maxamuud Saalax ayaa Jariiradda The Star u sheegay in isa soo dhiibista Haweeneydani ay guul weyn u tahay dagaalka lagula jira argagixisada,

Mss; Eroba, ayaa ah Hooyada Cabdiwaaxab Cusmaan Axmed, oo isna lala xiriirinayo weerar ay ku dhinteen Siddeed Askari oo ka dhacay Wajeer, waxanay sidoo kale hay’adaha amnigu weli raadinayaan Axmed Debar, oo ka mid ah eedeysanayaasha.

Dowladda Kenya ayaa wadda qorshe lagu wacyi gelinayo Bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku aaddan sidii looga feejignaan lahaa xubnaha Dadka ka dhaadhiciya fekerka Argagixisanimada ee ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo ay Dowladda Kenyana ku guuleysatay inay dib ugu soo laabtaan Dhallinyaro badan aragtiyadii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...