Madaxweyne Farmaajo “Mucaarad waan u baahannahay”

Date:

Madaxweynaha J.F.S ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo Dhaliilaha Mucaaradka, hasa yeeshee ugu yeeray in Danaha siyaasaddeed ee gaarka ah ay ka horumariyaan danta dadka iyo dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi siinayey SNTV ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo Dhaliilasha muraadka iyo tallada wax dhista ee dhankooda ka imaaneysa isla markaana quseysa danta dalkan, dowladdiisa dhexdeeduna uusan ka jirin wax khilaaf ah oo horumarrada la gaaray taasi ay keentay.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka oo ka hadlayey Aragtida dowladdiisa ayaa sheegay in  ahmiyaddiisa ugu weyn ay tahay sidii dalkaan looga saari lahaa Faqriga, dariiq walba oo lagu maalgashan karana la marsiinayo waddada saxda ah oo ah dowladda Federaalka iyo Barlamaanka sharciyadda u leh ogollaanshaha heshiisyada dowladda  la gaarto waddamada iyo hey’adaha caalamka.

Ugu dambeyn Madaxwyene Farmaajo ayaa ugu baaqay mar kale Somaliland iyo Puntland in ay codaalaadaha dhaxeeya ku dhammeeyaan wada hadal oo la joojiyo dhiigga dadka walaalaha  ah ee daadayana isaguna uu door nabaddoonimada ka qaadanayo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Jabriil oo booqasho shaqo ku tagay gobalka Lamu

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa qayb ka ahaa wafdi...

Madaxweynaha JFS oo tacsi u diray dowladda iyo shacabka Nigeria oo uu ka geeriyooday madaxweynihii hore

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Madaxweynaha JFS ku matalay Shirweynaha Dhexe ee Midowga Afrika ee ka dhacay Malabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiir Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiin sare oo ka socda Booliiska caalamiga ah INTERPOL

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh...