Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe .

Date:

Muqdisho (SNTV), Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare oo qeyb ay ka yihiin  Madaxweyne ku xiggeenka maamulkaasi, Wasiiro iyo Xildhibaano, ayaa maanta gaaray  Magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabeelle Dhexe.

Wafdigaasi, ayaa waxaa soo dhaween u sameeyey  Masuuliyiinta magaaladda Warsheekh, Waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa kulan la qaatay Maamulka degmadda Warsheekh, waxaana ay kawada hadleen  amniga,horumarka degmadda iyo arrimo kale.

Horumarro aad uwayn ayay gaartay Degmada Warsheekh waxaana maanta ka shaqaynaya Cisbitaal wayn oo hoos imaanaya maamulka Degmada  si bilaash ahna bulshada ugu adeegi doono..

Degmada Warsheekh ayaa sidoo kale laga hirgaliyay meel weyn oo loo isticmaali doono Soollarada nalalka ay wada isticmaali doonaan dhammaan shacabka Degmada Warsheekh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...