Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah

Date:

Muqdish (SNTV), Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...