Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah

Date:

Muqdish (SNTV), Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa ka warbixiyey Lacagta cusub ee Shillin Soomaaliga ah ee dalka loo soo daabacayo iyo hawlaha lagu horumarinayo Bankiga dhexe ee dalka.

Ugu horeyn guddoomiyaha, ayaa sheegay in Lacagta cusub ee dalka loo soo daabacayo ay ka kooban tahay qeybo badan, isaggoo tilmaamay in lacacagtaasi ay tahay mid ay adag tahay in Copy laga sameeyo oo lagu been abuurto.

“Lacagta Cusub waxay ka kooban tahay Afar qeybood oo kale ah  1,000 Sh.so, 2,000 Sh.so, 5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so, Lacagta Cadadka ugu badan ee lasoo daabacayo waa 1,000 Sh.so (Kun Shillin Soomaali), waxaa ku xigga 2,000 Sh.so (Labo Kun Shillin Soomaali), waxaa ugu cadad yar  5,000 Sh.so iyo 10,000 Sh.so (Shan Kun iyo Toban Kun oo  Shillin Soomaali ah), Marka ugu horreeysa afartaas qeyb ayaa lasoo saari doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa dhanka kale sheegay in muddadii dib loo howl galiyey Bankiga dhexe ay kasoo wareegtay Toban sano, ayna muddaasi u qabsoontay waxyaabo badan oo horumar ah, isaggoo carabaabay in hadda ay ku guda jiraan Casriyeenta habka shaqo ee Bankiga, si shaqada loo sii dardar geliyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka cadaaladda XFS oo qaabbilay 𝐒𝐚𝐟𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐰𝐞𝐝𝐞𝐧 𝐮 𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐲𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Dekadda Muqdisho oo yeelatay khad toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo Shiinaha

-Dekadda Magaalada Muqdisho waxaa shalay si toos ah ugu...