Xasan Xuseen Xaaji oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada

Date:

Wasiirka wasaaradda  Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Sarindi  ee Muqdisho taasoo  lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo goosata malleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yahay.

Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu ammaanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhallinyradaasi, isagoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qabandoonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

?
?
?

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo Gaalkacyo ka daah-furay diiwaangelinta codbixiyayaasha

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan iyo Soohdimaha Qaranka (GDMSQ),...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga (NIRA)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo goorhaw ka furmaya Muqdisho

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka furmaya Shirweynaha 3-aad ee...

Wasaaradda Tamarta oo goobo Caafimaad iyo waxbarasho u samaysay koronto galin lacag la’aan ah

Wasaaradda Tamarta DFS, oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa...