Xasan Xuseen Xaaji oo kormeeray xarun lagu dhaqanceliyo dhalinyarada

Date:

Wasiirka wasaaradda  Cadaaladda iyo Garsoorka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Sarindi  ee Muqdisho taasoo  lagu dhaqanceliyo dhallinyarada ka soo goosata malleeshiyaadka Shabaab.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray xaruntaasi waxa uu warbixin ku saabsan xaaladda nololeed ee dhallinyaradaasi ka dhageystay saraakiisha maamulka iyo kuwa ammaanka ee xaruntaasi.

Intaasi kaddib wasiirka waxa uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xaruntaasi, isagoo u kuurgalayay xaaladda nololeed, caafimaad, waxbarasho iyo jiifkooda sida uu yahay.

Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Caddaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa aad ugu ammaanay mas’uuliyiinta xaruntaasi daryeelka wanaagsan oo ay u fidiyeen dhallinyarada ka timid Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddu ay gacan buuxda ka geysandoonto dhaqancelinta dhallinyradaasi, isagoo dhinaca kale tilmaamay in wasaaraddu ay wax ka qabandoonto cabashooyin ka soo gaaray dadweynaha oo ku saabsan dhinaca garsoorka.

?
?
?

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...