Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasha ah ku  xukuntay Sarkaal  dilay  Askari.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...