Nikki Haley oo sheegtay in ay ka baxday Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Q/Midoobay

Date:

Muqdisho (SNTV) Mareykanka ayaa ka baxay Gollaha xuquuqda Aadanaha Q/Midoobay , Safiirka Mareykanka u fadhisa Q.Midoobay Nikki Haley ayaa sheegtay in arrintani ay ka dambeeysay kadib markii ay oggaatay in ay jirto daacad darro iyo dhinac u xaglin looga soo horjeedo Israel.

Nikki Haley, Ergayga Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in guddiga uu yahay mid xaqiraad iyo xushmad dhac ah ku ah.

Golaha Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay magaalada Geneva islamarkaana la sameeyay sanadkii 2006-dii, ayaa waxaa soo wajahay cambaareeyn taasi oo u oggolaatay in su’aalo kulul laga laga weydiiyo wadamada xubinta ka ah kuwaasi oo kusaabsan arrimaha dhanka xuquuqda aadanaha oo lagu eedeeyo in ay gaystaan.

Dad u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in talaabada mareykanka ay dhaawacayso dadaalada kormeerka iyo ka hadalka tacadiyada xuquuqul insaanka ee ka dhaca dacalada dunida.

Kudhawaaqista go’aanka aan kaga fadhiisanayo golaha, ayay ku sheegtay Ms Haley in ay tahay golaha oo kusoo baxay “daacad darro iyo iyadoo uu noqday mid lagu shaqeeysanayo” kaasi oo soo bandhigay ” cadaawad aan dhammaad lahayn oo lo ohayo Israel”. Ayay tiri Haley.

Waxa ay ka hadlaysay iyadoo barbar taagan xoqhayahaA/Dibadda Mareykanka  Mike Pompeo, kaasi oo ku cambaareeyay golaha inuu yahay ” mid difaacaya kuwa geysta falalka beni’aadanimada ka baxsan”.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...