Isias: Ergo ayaan u direynaa Addis Ababa si ay wadahadallo Nabadda uga qayb galaan

Date:

Muqdisho (SNTV) Dowladda Eritrea ayaa shaaca ka qaaday in ay ergo u direyso dhinaca dalka Itoobiya, si arrimo dib u heshiisiin xagga nabadda ah ay ula billaabaan dowladda Itoobiya taasi oo soo afjari doonta dagaaladii khasaaraha badan geystay ee dhexmaray labada dowladood.

Isias Afwerk oo ah madaxweynaha Eritrea oo ka hadlayay munaasabadda maalinta loogu magacdaray maalinta Shuhadada ee wadankiisa ayaa sheegay inuu wakiilo ka socda Eritrea ay tagi doonaan Itoobiya halkaasi oo la filayo in ay ka billaabato wadahadalada nabadda ee labada dal.

Isias ayaa soo dhoweeyay is bedelka ka dhacay Itoobiya iyo hadalka ka soo yeeray dowladda cusub ee dalkaasi ee dhowaan la wareegtay talada wadanka Itoobiya.

Abiy Axmed oo ah R/Wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa ogolaaday in Eritrea ay si rasmi ah u leedahay magaalada Badme oo ahayd halka ay ku muransanaayeen labada dhinac cidda iska leh, isagoo sheegay inuu aqbalay go’aamada kasoo baxay guddigii xadeeynta ee 2002-dii, go’aannadaasi oo sheegayay in Eritrea ay leedahay dhulka lagu muransan yahay.

Heshiis nabadeed oo dhexmaray labada dhinac ayaa ka dhacay magaalada Algeris ee dalka Algeria sanadkii 2000 kaasi oo xal looga gaaray joojinta dagaalka labada dal.

Waxaana tani waagaasi sideedii u jiitamayay sheegashada labada dhinac ee kuwajahan magaalada Badme iyadoo uusan jirin wax heshiis ah si rasmi ay dhinacyadu ka gaareen magaalada Badme.

Dowladda Itoobiya ayaa ku gacanseyrtay go’aannadii nabadda ee ay soo saareen guddiga xadeeynta ee ku saabsanayd in deegaanka Badme ay leedahay Eritrea .

Sanadihii 1998-200 ayay ahayd markii ay Eritrea iyo Itoobiya uu dhexmaray dagaal aad u kharaar kaasi oo intii uu socday ay ku nafwaayeen tobanaan kun oo qof.

Dalka Eritrea ayaa Itoobiya ka qaatay madax banaanida sanadkii 1993-kii kaddib markii ay afti u qaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...