Akhriso:-Nuxurka Wareysiga Madaxweynaha JFS ee Warbaahinta Qaranka

Date:

Muqdisho(SNTV):–Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax bannaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo wax laga weydiiyey xiriirka Dowlad Goboleedyada dalka ayaa sheegay in mira dhalkii shirkii Baydhabo ee sanadkan uu soo jitay indhaha caalamka iyo wadammada dariska ah, maadama ay ka soo baxeen qodobbo iyo heshiis taariikhi ah oo ku saabsan qeybsashada khayraadka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka warbixiyey guulihii dhaqaale ee la gaaray oo horseeday in daymaha laga cafiyo Soomaaliya, loo ogaalado dib u habaynta lacagta dalka iyo deeqo kala duwan oo ay ku yabooheen beesha caalamku, kaddib markii ay ku qanceen hannaanka hufnaanta ku saleysan ee lagu maamulay dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.

Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii dhawaanay ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa yiri”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya  waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadamaada dalkaasi uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan, maadama arrimahan ay asaas u ahaayeen safarrada Gobolka uu ku maray Dr.Abiye oo heshiisyo ku saabsan dekadaha iyo ganacsiga uu la soo galay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.

“Waxaan aaminsanahay in aan soo gaarnay heer aan kala hadli karno dalalka kale, gaar ahaan kuwa dariska ah isu socodka xorta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaan aaminsannahay in ay guul tahay in nala kala xaajoodo arrimahan iyadoona dowladuhu ay aaminsanyihiin in Soomaaliya soo kabsatay, lagu kalsoonaan karo lagalana xaajoon karo horumarka.”

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...