Ciidanka Xoogga dalka oo Argagixisada Alshabaab ka Xoreeyay Deegaanno hoos yimaada G/Jubbada Hoose

Date:

Muqdisho (SNTV), Ciidanka Xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan kula wareegay degaanada Maano Muufo iyo Araare oo kawada tirsan Gobolka Jubadda Hoose.

Ciidanka oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, ayaa ka amabaxay deegaanka baar-sanguuni, iyaggoona  ku guuleestay in ay la wareegaan degaanadaasi.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Gen. Ismaciil Saxardiid oo wareysi siiyay Idaacadda codka  ciidamada qalabka sida, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku guuleesteen in ay la wareegaan degaanada Araare, Maano iyo muufo halkaasi oo nabadiidka ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah.

Gen. Ismaciil Saxardiid, ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isaggoo xusay in gaadiid dagaal ay ka qabsadeen, waxaana uu intaasi raaciyey in 12 ka tirsan Argagixisada oo uu ku jiro Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Araare lagu dilay howlgalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ubax dhigay daljirka daahsoon ee darbiga Kremlin-ka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiir Roobow “Luuqadaha lagu tarjumayo khudbadaha maalmaha Xajka waxaa lagu soo daray luuqada Soomaaliga”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Muqtaar Rooboow Cali...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu...

Shirweynaha Qaran ee maareynta hubka oo lagu soo xiray muqdisho

Ku Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS,...