Madaxda Qaranka oo Muqdisho ku soo dhaweysay raiisul wasaaraha Itoobiya+sawiro

Date:

Muqdisho(SNTV)- Waxaa goor-dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho soo caga dhigatay Diyaarada siday wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed,oo markii ugu horeysay soo gaaray Soomaaliya tan iyo intii la doortay.

Madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda,iyadoo si diiran loo soo dhaweeyey raiisul wasaaraha Itoobiya oo markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku yimaada Soomaaliya

Waa booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya raiisul Wasaare Abiy Axmed kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka heley madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxmed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Arrintani ayaa ah talaabo weyn oo muujinaysa in Soomaaliya ay cagta saartay dhabihii horumar marka.

Tani ayaa ku timid isbedelada dhanka amniga ah iyo horumarka ka jira Soomaaliya,taasi oo horseeday in madax badan oo caalamka ka socda ay yimaadaan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Machadka Farsamada ee Ciidamada Serbia

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi,...

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad ah

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...