Raiisul wasaaraha Itoobiya oo madaxtooyada Soomaaliya shir kula leh madaxda sare ee Qaranka

Date:

Muqdisho(SNTV) Wafdiga uu hoggaaminayo raiisul wasaaraha Itobiya Abiy Axmed oo goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa haatan kulamo kula leh madaxtooyada Soomaaliya madaxda sare ee dalka.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa waxay kulankoodi kaga hadlayaan arrimo ay kamid yihiin iskaashiga labada dowladooda,xoojinta xiriika ku dhisan iskaashiga labada dhinaca.

Wafddiga raiisul wasaaraha Itoobiay waxaa kamid ah Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Soo dhaweynta loo sameeyey wafdiga raiisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ugu horeeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Framaajo,raiisul Wasaare Kahyre,xubno ka tirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Wixii ku soo kordhay  waan idiin soo gudbin doonnaa, sidoo kale SNTV ayaad ka daawan kartaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....