Maanta iyo sida looga ciiday Khartoum!

Date:

Khartuum(SNTV)–Garoonka kubbada cagta ee ku yaala gudaha Jaamacadda Afrika waxaa Saakay iskugu soo baxay Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum, si ay ugu soo tukadaan salaada Ciidul Fadriga.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan gaar ahaan Caasimadda Khartuum ayaa Salaadii ciida ee maanta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula dukadeen gudaha garoonka Jaamaadda Afrika.

Salaadii Ciida ka dib ayaa waxaa waddooyinka magaalada Khartuum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar aad u qurxoon oo noocyo kala duwan leh waxaane iskugu hambalyeynayeen Munaasabadda Ciida
.
Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Caasimadda Khartuum oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa hawada Salaan iyo Farxad u marsiiyay Ehaladooda iyo Qaraabadooda, iyagoona sido kale hambalyo iyo mahadcelin u diray Ciidamada Xasilanta Caasimadda oo ay sheegeen inay suura galiyeen in si nabad ah shacabka Soomaaliyeed ku dhameystaan Bishii Barakeysaneed ee Ramadaan,
Guud ahaan magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashada iyo dabaaldaga munaasabada ciida Fadriga iyadoone Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed wajiyadooda laga dheehan kari farxada munaasabada ciida.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka gaashaandhigga oo qaabilay safiirka Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...