Maanta iyo sida looga ciiday Khartoum!

Date:

Khartuum(SNTV)–Garoonka kubbada cagta ee ku yaala gudaha Jaamacadda Afrika waxaa Saakay iskugu soo baxay Kumanaan kun oo ka mid ah Shacabka magaalada Khartoum, si ay ugu soo tukadaan salaada Ciidul Fadriga.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Suudaan gaar ahaan Caasimadda Khartuum ayaa Salaadii ciida ee maanta waxaa ay muslamiinta kale ee walaalahood ah kula dukadeen gudaha garoonka Jaamaadda Afrika.

Salaadii Ciida ka dib ayaa waxaa waddooyinka magaalada Khartuum isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isugu jira Rag, Haween iyo Caruur intooda badan ku lebisan dhar aad u qurxoon oo noocyo kala duwan leh waxaane iskugu hambalyeynayeen Munaasabadda Ciida
.
Qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Caasimadda Khartuum oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa hawada Salaan iyo Farxad u marsiiyay Ehaladooda iyo Qaraabadooda, iyagoona sido kale hambalyo iyo mahadcelin u diray Ciidamada Xasilanta Caasimadda oo ay sheegeen inay suura galiyeen in si nabad ah shacabka Soomaaliyeed ku dhameystaan Bishii Barakeysaneed ee Ramadaan,
Guud ahaan magaalada Khartuum ee Caasimadda Dalka Suudaan ayaa is weyn looga dareemayay damaashada iyo dabaaldaga munaasabada ciida Fadriga iyadoone Jaaliyadda iyo ardayda Soomaaliyeed wajiyadooda laga dheehan kari farxada munaasabada ciida.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...