R/Wasaaraha Talyaaniga oo jawaab ka bixiyay cambaareeyn Faransiiska uga timid “Sawirro”

Date:

R/Wasaaraha dalka Talyaaniga, Giuseppe Conte, oo ka hadlay cambaareeyn dhowaan ka soo yeertay Madaxweynaha Faransiiska Emmannuel Macron kaasi oo si kulul u dhaleeceeyay Talyaaniga is hortaagii uu ku sameeyay in markabkii siday Muhaajiriinta uu ku xierto dekadda Talyaaniga.

Macron ayaa eedeeyay dowladda Talyaaniga talaabadii ay kaga hor istaagtay muhaajiriin lasoo badbaadiyay ay galaan gudaha dalka Talyaaniga.

Af-hayeen u hadlay madaxwaynaha dowladda Faranskiisa Emmanuel Macron ayaa sheegay in go’aanka Talyaaniga uu yahay mid muujinaysa xushmad la’aan iyo mas’uuliyad darro.

Balse Mr. Conte oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha dalka Faransiiska ayaa sheegay in Talyaaniga uusan aqbali karin dabeecadaha ballan ka baxyada ku wajahan oo ka imaanaya Talyaaniga kuwaasi oo sida uu sheegay Giuseppe Conte ahaa dalal waqti kasta ka jeesan jiray wax u qabashada dadka soogalootiga ah.

Dowladda Spain ayaa oggolaatay markabka Aquarius oo ahaa markabkii ay diiday dowladda Talyaaniga uu ku xirto dekadda biyaheeda.

Xaaladda dadka la socday markabka ayaa dhalisay in sidoo kale R.Wasaaraha dalka Uk Theresa May ayaa qirtay in ay oggolaatay  in wax laga qabto arrimaha dhinaca socdaalka Midowga Yurub eek u aadan muhaajiriinta si loo adkeeyo heshiiska ka bixitaanka Britain ee Yurub.

Britain’s Prime Minister Theresa May reacts as she arrives in Downing Street in central London on October 9, 2017.
British Prime Minister Theresa May will tell the European Union on Monday that “the ball is in their court” as her divided government resumes Brexit negotiations in Brussels. / AFP PHOTO / Ben STANSALL (Photo credit should read BEN STANSALL/AFP/Getty Images)

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: NISA oo mid dishay, midna nolosha ku qabatay rag dil ka geysa rabay Muqdisho

Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA...

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...