Madaxweyne Farmaajo “Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan”

Date:

Muqdisho(SNTV):–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...