Madaxweyne Farmaajo oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Belgium

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dalka Belgiumka u fadhin doona Soomaliya Nicolas Nihon.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war bixin kooban ka siiyay Safiirka cusub ee Belgeum-ka u fadhin doona Soomaaliya xaaladda Dalka iyo sida ay Soomaaliya ugu baahan tahay xilligan saaxiibbo caawiya, Danjire Nicolas Nihon ayaa isna dhinaciisa muujiyay sida ay Dowladdiisu ugu hanweyn tahay  inay garab istaagto Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud, ayaa sheegay in Belgeum-ka iyo Soomaaliya uu u dhexeeya xiriir iyo isfaham aad u fiican.wuxuuna ku tilmaamay horumar weyn oo ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

“Safiirka Belgeum-ka Madaxweynaha wuu ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga ee Danjirenimo, taasina waxay muujinaysaa Dowladda Soomaaliya inay dib ula soo noqonayso Safaaradaheedii dhammaan Adduunka ka jiray,waxaan is leeyahay wax yar oo fara ku tiris ah ayaa ka harsan Yurub iyaga waddada ayay kusoo jiraan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda.

Dabayaaqada Bishan ayaa lagu wadaa in Dalka Belgeum-ka oo ay ku taalla xarunta Midowga Yurub uu marti geliyo shir Caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

8 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellada hoose

Ciidanka gaarka ah ee kumaandooska Danab ee CXDS ayaa...