Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya Horumarinta Adeegyada Caafimaadka Caasimadda

Date:

 

Muqdisho, 12 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka DFS ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa baahinta adeegyada Caafimaadka ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur iyo howlwadeenada Wasaaradda, waxana dood dheer laga yeeshay
sidii loo wanaajin lahaa tayada adeegyada iyo faya-dhowrkooda, si bulshadu u helaan adeeg caafimaad tayo sare leh.

“Waxaan ka wada hadalnay Wasaaradda isku xirka adeegyada Caafimaadka iyo sidii loo horumarin lahaa caafimaadka Gobolka Banaadir, maadaama bulshada ugu badan Gobollada dalka ay ku nool yihiin Caasimadda, waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam caafimaad la isku halayn karo.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Mudane Eng. Yarisow ayaa ku tilmaamay kulankan dhex maray Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Caafimaadka XFS mid dhabaha u xaaraya in dadka Caasimaddu ay helaan adeegyo Caafimaad oo tayo leh, isla markaana labada dhinac ka wada shaqeyn doonaan hirgelinta arrintan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir wada-shaqeynta kala dhaxeysa iyo sida ay mar walba diyaar ugu yihiin in Shacabka ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg Caafimaad wanaagsan.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cali Cabdi Awaare oo ku guuleystay Danjiraha Sanadka ee Somali Social Media Awards

Danjire Cali Cabdi Awaare, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u...

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan...