Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho

Date:

Muqdisho(SNTV):–Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa maanta loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

C/risaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalana uu dhiirigalinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurtaas.

“Waxaan u soo jeedineynaa warbaahinta in ay u istaagaan sidii loo abuuri lahaa Sanduuq dhaqaale oo agoonta wariyaasha ka caawiya, barbaarintooda waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.” ayuu yiri Black.

Dhinaca kale C/laahi Cusmaan Faarax oo ku hadlay magaca guddi wariyaal ah oo Xafiiska warfaafinta kala shaqeeyay raadinta iyo tirakoobka agoonta ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay dhiiri-galin u tahay in garab istaag loo muujiyo carruurtii ay ka dhinteen saaxiibadooda shaqo, lana ciidsiiyo maadaama waalidiintoodu ay geeriyooday iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u adeegaya.

Agaasimaha Radio Shabeele Abuukar Sky oo isna munaasabadda lacagta lagu qeybinayay ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo si wada jir ah xaqul-ciid loo siiyo carruurtii ay wariyaashu ka dhinteen, waxa uuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in la sii joogteeyo ka warqabka agoonta wariyaasha.

Munaasabaddan lacag qeybinta oo ka dhacday Beerta Nabadda ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Abwaan Cusmaan C/laahi Guure maareeyaha tiyaatarka qaranka, C/fitaax Maxamuud Siyaad Arizona Agaasimaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir, C/laahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha bariga iyo bartama Afrika ee Telefishinka Universal, Abuukar Sheikh Maxamuud Sky Agaasimaha Radio Shabeele, Wariye C/risaaq Catoosh, wariyaal iyo qaar ka mid ah waalidiinta carruura agoonta ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...