Ra’isul wasaare Kheyre oo shacab iyo ciidan kula saxuurtay qeyba kamid ah Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha Xukumadd Federalka Soomaaliya ayaa kormeer Amni waxa uu ku sameeyey inta badan degmooyinka Gobolka Benaadir, halkaasi oo uu ku booqday iyadoo roob da’ayo ciidamada amniga oo waajiboodkooda qaran gudanaya.

Wasiirka amniga, saraakiisha ciidamada amniga iyo  ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobalka ayaa ku wehliyay kormeerka Ra’uisul wasaarahu sameeyey xalay xilli dambe.

Ciidamada ayuu ku dhiiri geliyay in ay waajibkooda gutaan isagoo sidoo kale Ra’isul wasaaraha daba socday amarkii Madaxweynaha ee ahaa in loo fududeeyo shacabka isku socodka.

Intii uu ku jiray kormeerkiisa ayuu Ra’isul wasaare Kheyre la qeybsaday saxuurta dadweynaha qeyba kamid ah waddada warshadaha iyo Suuqa-weyn ee Bakaaraha.

Kormeerkaasi kedib waxaa warbaahinta la  hadlay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobalka Benaadir, waxa uuna safarka Ra’isul wasaaraha ku sheegay in uu ugu kuur gelayay xaaladda amni.

Ra’isul wasaaraha ayaa badi ciidamada amniga ku dhiiri geliyay shaqada ay hayaan isagoona booqday habeenada qaar fariisimaha ciidamada amniga ay ku lee yihiin  daafaha iyo gudaha magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...