Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray waddada isku xirta Madaxtooyada & Dekadda.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa Maanta xariga ka jaray Wadada ka soo baxda Madaxtooyada Soomaaliya ee tagta Dekadda Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow ayaa xarig ka jarista waxa ku wehliyay Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye ku xigeenka Howlaha Guud iyo Maamulka degmada Xamar-Jajab.

Yariisow  oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in waddadan ay muhiim u tahay bulshada gobolka Banaadir, waxa uu sidoo kale sheegay in waddadan ay isticmaali lahaayeen Madaxda Caalamka ee booqanaya Madaxtooyada.

Guddoomiye Eng Yariisow ayaa tilmaamay in Maamulkiisa uu ahmiyad siinayo dhismaha waddooyinka Muqdisho si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng C/raxmaan Yariisow ayaa booqday Idaacadda Risaala oo ay ka socdaan  howlo dhismo iyo ballaarin maqalka ah, Waxa  uu ku Bogaadiyay idacadda Risaala in ay U shaqeeyaan Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...