Duqa Muqdisho oo joojiyey hawlaha Dhul-simidda iyo Kaawo qodista ee Kawaan Bari

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisow) ayaa ku wargeliyey Hay’adaha ay khusayso joojinta hawllaha dhul-simidda iyo kaawo qodista ee ka socda agagaarka Kawaan Bari bacdamaa ay keeneysa Khatarro hor leh.

Eng Yarisow oo digreetada dhulkan lagu joojiyey soo saaray ayaa tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu dhiso dhulalka danta guud iyo kuwa dadweynaha.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxuu masuul ka yahay ilaalinta iyo hubinta sax ahaanshaha sharciga iyo in wax walba loo maro habraac saxda ah kaasoo dhabaha u xaaraya in qof walba uu ku helo caddaalad waxa uu xaqa u leeyahay, waana taas midda aan rabno in lagu hago wax walba oo Dawladda Hoose ka soo baxaya.” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo intaas ku daray in arrintani looga golleeyahay hubinta dhulalka la dhisanayo ee aan marin habraacii loo baahnaa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa u digay ganacsatada iyo shaqsiyaadka ku howllan burburinta dhagaxaanta celiya Biyaha Badda oo ka dhalan karaan khataro, maadaama la burburiyey dhagaxyadii iyo ciiddii celinaysay biyaha Badda oo keeni karta in mustaqbalka fog iyo midka dhow ay baddu ku fatahdo magaalada.

Duqa Caasimadda ayaa horey u joojiyay dhismayaal danta guud ah, isla markaana shaqsiyaadkii lagu tuhunsanaa u gudbiyey hay’adaha sharciga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo daahfuray tababar loo qabanayo howlwadeennada doorashooyinka

Guddoomiye Cabdikariin Axmed Xasan ayaa si rasmi ah u...

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...