IOM oo ka hadashay khasaaraha dhimashada doon ku degtay xeebaha Yemen

Date:

Doontan ayaa waxaa saarnaa dad lagu qiyaasay 100 qof oo Tahriibayaal ah, doonta ayaa lagu soo waramayaa in safarka gashay 5-tii bishan May, sida lagu sheegay warbixinta la xiriirta xaaladda doonidan oo ay soo saartay hay’adda IOM.

Qoraal kasoo baxay IOM ayaa lagu sheegay in ka badan 16 qof oo la socday doonta weli la la’yahay, arintani oo soo shaac baxday markii ay IOM wareysatay dadkii ka badbaaday doonida qalibantay.

Shilkani ayaa dhacay kadib markii ugu yaraan 100 muhaajiriin Itoobiyaan, oo ka kooban 83-rag ah 17-haween  ah, Doonta ayaa ka tagtay dekadda Bosaso maalintii talaadada ee lasoo dhaafay.

Doonta safarka gashay xilli habeen ah biyaha gacanka Cadan habeenimadii talaadada ahayd waxaana ay ku dhawaatay xeeb qoriga saacadihii hore ee maalintii Arbacadii ee lasoo dhaafay.

Dadkii ka badbaaday ayaa sheegay in dadka saarnaa doonta aysan haysan jaakadaha dabaasha taasina ay keentay in ay ka argagxaan mowjadaha garaacayay doonta oo xiligaasi usoo dhowaanaysay xeebta. Kadib doonta waxaa gudaha u galay biyo, taasi oo keentay in muhaajiriinta ay ku haftaan badda. Sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Yemen waa meel istaraatiji u ah socdaalka bariga dhexe iyadoo kumanaano kun oo qof ay ku dhintaan iyagoo isku dayaya in ka gudbaan iyagoo maraya Gacanka Cadan.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in bil kasta ku siman 7,000 oo muhaajiriin ah ayaa safaro dhinaca badda ah ku mara biyaha Yemen si ay uga sii gudbaan wadamada Bariga dhexe, halka in kusiman 100,000 oo qof ay mareen safarkan sanadkii 2017-dii.

Dalka Yemen ayaa ah dal aanan daganayn waxaana dagaalada ka socda ee udhexeeya Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga taageeraya dowladda Caalamku aqoonsan yahay, iyadoo dagaaladaasi ay sababeen dhimashada dad badan oo doonayay in ay si tahriib ah uga gudbaan xeebaha Koonfurta Yemen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...