Ciidanka gaarka ah ee Danab oo Howlgalo ka sameeyey qeybo kamid ah Gobolada Jubbooyinka

Date:

Muqdisho (SNTV), Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.

Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana halkaasi ay ku burburiyeen fariisimo Nabad diidka Baxsadka ah ee Alshabaab ay ku dhuuman jireen.

Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab kudhawaad 20 qof oo la xiriirinayo inay kamid yihiin Kooxda Alshabaab, iyaggoo  baaris ku wada, si loo kala saaro.

Taliyaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka general Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.

Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay ku guuleesteen in ay bur buriyaan goobo nabadiidka Alshabaab ay ku  dhibaateen jireen dadka shacabka ah ee Sooman.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...