Qaraxyo Foolkaano horleh oo hakad-geliyay howsha baadi goobka Guatemala iyo 192-qof oo lala’yahay

Date:

Ugu yaraan 192 qof ayaa la la’yahay iyadoo kumanaano kun oo qof ay ka barakaceen xilli howshii baadi goobka ay gebi ahaanba istaagtay markii ay billaabmeen qaraxyo foolkaano horleh oo ka dillaacday Guatemala.

Saraakiisha dalka Guatemala ayaa sheegay in ugu yaraan 192 qof lagu la’yahay 75 qofna ay ku geeriyoodeen kadib markii uu qarax foolkaano oo loogu magac daray Fuego ay ku dhufatay dalka Guatemala maalintii axaddii ee lasoo dhaafay.

Khasaaraha foolkaanada ayaa sidoo kale saameeyn kuyeeshay deegaannada kuyaala dhulalka sare kuwaasi oo gebi ahaanba la sheegay in la arki waayay kadib markii ay isu bedeleen dhoobo dambas, folkaanada kadhashay.

Shaqaalaha samatabixinta ayaa gawlgab noqday talaadadii kadib markii ay foolkaano horleh ka qaraxday halkaasi, taas oo cirka ku shareertay uuro iyo sidoo kale dhagxaan dhalaalay kuwaas oo kusoo hoobanayey meelaha ay foolkaandu ka qaraxday.

Dad ka badan 1.7 million oo qof ayaa la sheegay in ay waxyeelaysay, halka in ka badan 3,000 laga daadgureeyay.

Khuburo ku xeel dheer foolkaanooyinka ayaa shaaciyay in foolkaanada ay gaarayso 10-KM oo dhinaca hawada ah taasi oo lama filaan ku noqotay dadka dalka Guatemala.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...