Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo

Date:

Baydhabo (SNTV), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ku sugan magaaladda Baydhabo, halkaasi oo uu u tagay ka qeyb galka shirka Golaha amniga Qaranka, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska magaaladda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Taliyaha, ayaa u kuur galay sida ay u socdaan howlaha shaqo ee Talisyadaasi, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Saraakiil iyo askar Ciidanka Booliska qeybta Koofur galbeed ka tirsan.

S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa khudbad dheer u jeediyey Ciidanka ka howlgala Taliska qeybta Booliska Koofur galbeed iyo Saldhiga Booliska Baydhabo, waxaana uu kula dardaarmay in shaqada la dardar geliyo, isaggoo xusay in asakarigii shaqo wanaagsan qabtaa Qaranka abaal marin uu siin doonno.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirka Heer Wasiir ee Golaha Dhaqaalaha (ECOSOC)

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka...

Safiirka Soomaaliya oo tacsi u tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

New Delhi-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Dr....

Guddoomiyaha Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta CECAFA oo gaaray dalka Mareykanka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka...

Khawaarijta Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeymo ka dhacay Deegaanka Goobo

War ka soo baxay Wasaaradda Gashaandhigga ayaa lagu sheegay...