G/sare Shuute “Shacabkii ku dhintay isku dhacyada ciidamada waa in loo ciqaaba cidda masuuliyadda is rasaa-seyntaasi laheyd”.

Date:

Muqdisho (SNTV)- G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga taba-barka Gen Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag.

Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.
Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahaan dambe ka dhacayaye magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.


Laamaha barista oo kaa shanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amaray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.


Gaba-gabadii ayuu sheeegay guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howl geli doonaan rugaha ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo shacabka la wadaagtay ogeysiis muhiim ah

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa shacabka Soomaaliyeed la...

Taliyaha Xoogga Dalka oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...