Faah faahin ka soo baxaysa Tahriibayaal ku dhintay xeebaha Tunisa

Date:

Tunisia(SNTV)- Wararka ka imaanaya dalka Tunisiya ayaa sheegay in Ugu yaraan 35 qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku dagtay xeebaha Bariga Tunisia.

War ka soo baxay Dowladda Dalkaasi ayaa lagu xaqiijiyay geerida dadkaasi,waxaa kale oo ay dowladdu sheegtay in ilaa 67 qof oo kale ay soo bad baadiyeen ciidamadda Badda Dalkaasi.

Wasiirka Arimaha gudaha Tunisia ayaa sheegay in doontan dagtay ay saarnaayeen 180 qof oo u badan dad Tunisiyaan ah,kuwaasi oo ku sii qulqulayay Qaaradda Yurub,waxaana Dalka Tunisia uu  hadda noqday marin muhiim u ah tahriibayaasha doonaya inay Yurub galaan,kadib markii culeys uu kaga yimid dhanka Liibiya.

Wararka ayaa intaasi ku darayaa in Doonta ay 5 mile u jirtay Jasiirada Kerkennah, 16 mile-na waxay xaga badda u jirtay magaaladda Sfax ee wadankaasi Tunisiya.

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in la xirayo xerada Qoxootiga Silicly ee dalkaasi,kadib markii ay dowladdu sheegtay in maaro loo wayaay daryeelka iyo xakamaynta tahriibka.

Dhinaca kale Dalka Turkiga ayaa la sheegay in ay ku degtay dooni ay saarnaayeen 60 qof oo tahriibayaal ah oo caruur ay kujiraan,sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidamada ilaalada Xeebaha Dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...