Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Baydhabo

Date:

Baydhabo(SNTV) Shirkii Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay,kaasi oo ay ka qeybgalidoonaan madaxweynaah iyo Raiisul Wasaaraha Dalka,madaxda dowlad Goboleedyad iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirkaasi ayaa haatan ka soconaysa magaalada Baydhabo,iyadoo saacadaha na soo aadan lafilayo in uu sirasmi ah uu u furi shirkaasi madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto,islamarkaana socondoono muddo 2 maalmod ah  waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay kamid yihiin  amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Shirkan daba socda shirar ka horeeyey oo looga hadlayay arrimaha masiiriga ah ee dalka,iyadoo lafilayo in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...