Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka oo la kulmay madaxda sare ee Bangiga Dhexe ee dalka

Date:

Muqdisho(SNTV) Masuuliyiinta Bangiga Dhexe ayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag  Shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh  u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay  kuwaas oo mararka qaarkood  dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA.

Addis Ababa, Diseembar 19, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo Ankara kula kulmay dhiggiisa Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda...

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...