Munaasabad lagu soo dhaweeynayo shaqalle tabar soo dhameysatay oo muqdisho lagu qabtay.

Date:

Munaasabad lagu soo dhawaynayay 20-dhalinyaro xirfadlayaal dhanka beeraha, kana tirsan shaqaalaha wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dhawaan tababarro aqoon kororsi ah ku soo qaatay dalka Austria ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Muqdisho.

Tababarka ay soo qaateen shaqaalahaan dib dalkooda ugu soo noqday ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo soconayay mudo laba bilood ah, wax ay ku soo tababarteen          horumarinta Beeraha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Soomaaliya Mudane Xaamud Cali Xasan oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in shaqaalahaan ay ka filayaan wixii ay soo barteen in ay uga faa’iideeyaan beeraleyda dalka.

“Runtii baahi wayn ayaan u qabnay in shaqaalaheennu ay helaan tababar nuucaan oo kale ah, sababtoo ah waxay taas qeyb ka qaadaneysaa inan hormarinno wax soo saarkeenna beeraha si aan dalka dibadiisa ugu dhoofino wixii aan soo saarnay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka Beeraha.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa ku howlan horumarinta beeraha dalka, iyada oo kaashaneysa Hay’aado caalami ah oo ka shaqeeya dhinaca Beeraha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...