Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka

Date:

Muqdisho (SNTV)ย -Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii afarta bil ahayd ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha u qorsheysan bilaha soo socda.

Sidoo kale guddiga ayaa sharaxaad ka bixiyay istaraatiijiyada ay u diyaariyeen doorashada iyo kulamada wadatashi oo ay wadaan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey ) ayaa sheegtay in ay si wanaagsan shaqooyinkooda ugu socdaan.

โ€ Guddigeena howlo wanaagsan oo muhiim u ah dalka ayuu wadaa, Xisbiyada diiwaan gelintooda meel wanaagsan ayay noo mareysaa, waxaa sameysanay xafiisyo cusub si shaqooyinkeena an usii hormarinoโ€ ayay tiri Marwo Xaliimo yareey.

โ€ Guddoomiye waxan kaa rajeyneynaa inad si hagar laโ€™aan ah noola shaqeyn doonto, howlaha noo harsan hadaan nala garab istaagin maku guuleysan karnoโ€ ayay mar kale tiri Marwo Xaliimo yareey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa amaanay shaqooyinka ay wadaan guddiga.

Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay guddiga iney sii laba jibaaraan dadaalka ay wadaan.

โ€ Xaqiiqdii shaqooyin wanaagsan ayaa heysaan, waxaan idiin balan qaadaya inan si hufan idiinla shaqeyn doono, wax walbo oo aad xafiiskeyga ugu baahataan waa diyaarโ€ ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...