Ciidamada Ammaanka magaalada Gaalkacyo oo qabtay nin wiil iyo aabihiisa xalay dil u geystay

Date:

Gaalkacyo(SNTV) Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay gacantaku dhigeen nin hubaysan oo xalay magaaladaasi ku dilay wiil iyo Aabihiisa.

Nin hubeysan ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Puntland waxa uu ku dilay Aabe iyo Wiil uu dhalay,iyada oo ninkaas dilka geeystay Ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen.

Dilka ayaa ka dhacay banaanka Hotel kuyaala Waqooyiga magaalada Gaalkacyo,macadda sababta, balse wararka ayaa sheegay in  ninka dadkaasi dilay la sheegay in uu ahaa qof maskaxda looga jiray,aabaha ayaa magaciisa lagu sheegay Sheekh Xasan Saalax oo kamid ahaa culimada sida weyn looga yaqaanno magaaladaasi.

Majiraan wax war ah oo maamulka iyo saraakiisha ammaanka ay ka soo saareen falkaasi dilka ah,balse ciidamada ayaa weli gacanta ku haya ruuxa fuliyay dilkaasi,waxaana la filayaa in xaaladiisa ay war rasmi ah ka soo saaraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...

Ramla Cali oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay kadib guulo ay kasoo hoysay feerka caalamiga ah

Ramla Saciid Axmed Cali, oo ah gabadhii ugu horreysay...