Wakiilo ka socda Hay’adaha Dowladda FS iyo Bulshada Rayidka oo Tababar loogu qabtay Kenya

Date:

Mumbasa(SNTV) Tababarkan oo loo qabtay wakiilo ka kala socoda hay’adaha kaladuwan ee Dowladda Soomaaliya iyo Ururada bulshada Rayidka ayaa lagu qabtay magaalada Mombasa ee dalka Kenya,si aqoontooda maamuleed sare loogu qaado.

Waxaa tababarkan ka qeyb galaya ilaa 30 qof oo ka kala socoday hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda ururada bulshada Rayidka Soomaaliyeed,waxaana lagu baranayay dib uga kabashada musiibooyinka iyo sida loo maareynkaro intuba.

Qaban qaabada tababarkan ayaa waxaa lahaa Urur Goboleedka IGAD oo ugu talagalay in loogu faa’ideeyo bulshada Soomaaliyeed fahanka dhibaatooyinka ka dhalan kara musiibooyinka dabiiciga iyo iyo sida loo maareeyo,iyadoo dadkii ka qeybgalayna looga fadhiyo in waxyaabihii ay ka faa’ideysteen ay ugu adeegaan bulshada.

Tababarkaan ayaa ku soo beegmaya xili ay Soomaaliya ka dhaceen daad iyo fatahaad ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle oo saameyn naf iyo maal ah ku yeelatay dadka iyo duunyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo ka Wada hadlay xoojinta Iskaashiga Gaadiidka  

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirweynaha 151-aad ee Baarlamaanka Adduunka 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Ciidanka NISA oo howlgal guuleystay ka fuliyay Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...