Syria oo aqoonsatay goballo ka go’ay Georgia

Date:

Xukuumadda Georgia ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojin doonto xiriirka dhinaca diplomaasiyadda ee ku aadan Suuriya kadib markii ay dowladda Suuriya sheegtay in ay u qoonsan tahay Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia meelo ka madaxbanaan dalka Goergia.

David Dondua, oo ah ku xigeenka Arrimaha Dibadda Georgia ayaa sheegay in talaabadaasi ay qaadeen ay jawaab u tahay hadalka kasoo yeeray dowladda Suuriya islamarkaana ay u jareen calaaqaadka xagga diplomaasiyadda.

Hadalkani ayaa soo shaacbaxay kadib markii ay dowladda Suuriya daboolka ka qaaday in ay xarumo safaarado ah ay ka furayso Koonfurta Ossetia iyo Abkhazia iyadoo tallaabo taasi lamid ah ay billaabeen Abkhazia iyo Konfurta Ossetia kuwaasi oo danjirayaashooda udiray dhinaca dalka Suuriya.

Kasukoow dalka Suuriya, wadamada Venesuela, Nicaragua, Vanuata iyo Nauru ayaa kamid ahaa dalalka sidoo kale aqoonsaday labada deegaan oo aanan weli la raacin dhinaca Ruushka.

Madaxweynaha Suuriya ayaa xiriir aad u dhaw la leh dhiggiisa dalka Ruushka, ee madaxweyne Viladmir Putin, taniyo markii uu dalka Ruushka ciidamo badan badan iyo diyaaradaha dagaalka uu ku daabulay dalka Suuriya dabayaaqadkii sanadkii 2015-kii si u gacan siiyaan ciidamada dowladda Suuriya.

Taniyo xiligaasina ciidmada Dowladda Suuriya ayaa qabsananayay dhulal badan oo horey ugu jiray gacanta kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda, waxaana taasi loo nisbeeyaa in ay tahay caawimaadda dhinaca militariga Ruushka ay siiyeen dowladda Suuriya.

David Dondua oo ah ku xigeenka A.Dibadda Georgia ayaa sheegay in dalkiisu uu ku dhaqaaqay tallaabo uu ku meel marinayo joojinta xiriirka xagga dibloomaasiyadda eek ala dhaxeeyay Suuriya, kadib markii Dimishiq ku dhawaaqday in ay aqoonsatay gobolladaasi.

Mr. David ayaa intaasi ku daray in xukumadda madaxweyne Asad ay si weyn u taageersaneyd gardarrada militari ee uu Ruushka kula kacay Georgia, qabsashada sharci darrada ah ee Abkhazia iyo (Koonfurta Ossetia) iyo waxa uu ugu yeeray isir tirtirka sanado badan ka socday halkaasi, sida laga soo xigtay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Georgia.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiilada Maamulka Waqooyi Bari oo la magacaabay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya...

Duqa Muqdisho oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye kuxigeenka Cusub Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo kii hore

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq lacageed ku wareejiyay Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...