Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo Maanta la Wareegay Xilkiisa

Date:

Muqdisho (SNTV) -Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga  Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabadii Munaasabada ka Hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee Wasaarada difaaca dalka in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmadey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...