Muqdiso (SNTV)-Tartan aqooneedka caawa waxaa ku wada ballansanaa degmooyinka Shangaani iyo Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.
Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7-Suโaal, waxa ay ka jawaabeen 2-suโaal oo kamid ah su’aalihii ay xaqqa u lahaayeen, waxa ay ka faaโiideysteenย mid kamid ah fursad ay soo lumiyeen dhiggeeda wadajir,ย wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotayย 6-dhibcood.
Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-suโaal, waxa ay ka jawaabeenย 4-suโaal, , waxa ay ka faaโiideysteen fursad quraย ย oo soo hareer martay Shangaani, sidaasi darteed dhibcahaย ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban 10-dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 2-aadย ee tartanka halka ay ka mid noqotay Shangaani degmooyinka ku haray wareegga 1-aad
Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir, waxaa ku wada ballansan habeen dambe Degmooyinka Deyniile iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Benaadir iyo Koonfurgalbeed.